Kulan lagu taageerayay maamulka Hirshabeele oo lagu qabtay gobolka Minnesota
Isniin, Janaayo, 30,2017 (HOL) - Xaflad u baalaran oo
lagu taageerayay Maamul goboleedka Hirshabeele ayaa lagu qabtay magaaladda
Minneapolis eegobolka Minnesota xarunta shirarka ee Safari hall.
Kulanka oo ay ka soo
qeybgalleen dadweyne tiro badan ayaa waxaa khadka taleefoonka uga soo
qeybgallay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosobole,
madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoonka baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.
Madaxda ayaa uga mahad
celisay jaaliyada kulanka ay soo qabanqaabiyeen ee taageerada loogu muujinayay
maamulka, sidoo kalana waxaa ay ka warbixiyeen xaalada deegaannada maamulka uu ka
arimiyo gaar ahaan arinta abaaraha.
Sidoo kale waxgardkii kala
duwanaa ee ka hadlay munaasbaada taageerada ayaa ugu baaqay jaaliyada
Hirshabeelle ee gobolka Minnesota in ay ka qeyb-qaataan adeegyada hormarineed.
Waxaa ka mid ah mas’uuliyiintii
ka qeyb-gashay kulanka xildhibaan Eng Cabdikariin Cali Nuur oo ka mid ah
xildhibaannada baarlamaanka federaalka isaga oo sheegay in maamulka
Hirshabeelle hadda ku howlan yahay dib u hagaajinta warshadii uu gobolka caanka
ku ahaa, isaga oo ku buuriyay bulshada gaar ahaan ganacsatada in ay arintaa
gacan ka geystaan, isaga oo sheegay in la daah furay, lagalana xiriiri karo
shirkahada Dahabshiil iyo Amaanna.
Sidoo kale siyaasiyiintii ka
hadashay kulanka waxaa ka mid ahaa Cabdikariin Axmed Daahir oo ka mid ahaa
guddigii xalinta khilaafaadka doorashooyinkii 2016kii, isaga oo ku dheeraaday
sidii wacneyd oo ay doorashada u dhacday.
Duuliye Ibrahim Abiikaroo isaguna
ka mid ah waxgaradka Minnesota ayaa ka sheekeeyay taariikhada labada gobol Hiiraan
iyo Shabeellaha dhexe ee leysku daray, isaga oo sheegay in labada gobolba
leeyihiin taariikh fog oo soo jireen ah.
Ugu danbayntii waxaa xaflada intii
ay soctay ayaa waxaa halkaa sugaan kala duwan ku
soo bandhigay fannaaniintii ka sooqeyb-gashay , gaar ahaan Hodan Cabdiraxman
iyo Cabdullaahi Boqol.
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis,MN