4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2017
Dr Beyle'' waan ka foojignaan doonnaa in ay dhacaan wax ka baxsan nidaamka doorashada madaxweynaha

Isniin, Janaayo, 30, 2017 (HOL) -- Iyadoo marar badan lagu celceliyay in doorashada madaxweynaha laga ilaaliyo musuq maasuq iyo wax is daba marin ayaa waxaa arintaa ka hadlay guddiga qaban-qaabada doorashada oo sheegay in aysan jirin cabsi ay ka qabaan in wax is daba-marin la sameeyo.

Guddoomiyaha gudiga doorashada Dr C/raxmaan Ducaale Beylle ayaa warbaahinta u sheegay in doorashadu u dhici dooto si cad ah oo ka hufan wax is dabamarin iyo iyo musuqmaasuq.

‘’Waa u diyaargaroownay arintaa, murashixiintu waxaa ay horimanayaan xildhibaannada, xildhibaannada warqad ayaa loo dhiibayaa, magaca qofka ay dooranayaan ayeey soo callaamadeynayaan, sanduuq la wada arkayana waa ay ku ridayaan, marka halka uu musuqmaasuqa ka soo galli karo annaga ma ogin, wax intaa ka duwan oo dhici karana ma jiro’’ ayuu yiri guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay in dhamaan mar la eego dadka codsiyada soo qortay ee u tartamaya xilkan yihiin kuwo buuxiyay sharuudihii looga baahnaa una qalma sida uu hadalka u dhigay in ay madaxweyne noqdaan, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in cidda kala saareysa yihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee iyaga wax dooranaya.

‘’Bulshada waa ay na aamineen kitaab ayaan ku dhaaranay, dhaartaa aan galnay annaga oo ka duuleyna waxaan soo saari doonaa qof macquul ah oo dalkan iyo dadka samatabixin kara’’ ayuu yiri guddoomiyaha gudiga doorashada.

Hadalka guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada ayaa imanaya xili ay iska soo daba dhacayaan digniin la soo jeedinayo oo la xiriirya in doorashada madaxweynaha Soomaaliya noqonto mid ku dhacda si xor ah oo xalaal ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]