Mo Farah oo walaac ka muujinaya go’aankii Donald Trump ee lagu mamnuucay soo gallootiga
Isniin, Janaayo, 30, 2017 (HOL) – Orodyahanka asal ahaan ka
soo jeeda dalka Soomaaliya laakiin heysta dhalashada dalka Britain, Sir Mo
Farah, ayaa dhaliilay go’aanka madaxweyne Donald Trump uu Maraykanka uga
mamnuucaya dadka asal ahaan kasoo jeedda todobo dal oo Muslim ah.
Orodyahanka ayaa sheegay in hadda uusan hubin in uu dib ugu laabanayo
Maraykanka, halkaasi oo muddo lixa sano ah ay deganayeen isaga iyo caruurtiisa
gaar ahaan gobolka Oregon ee dalkaasi.
“Waxaan aad uga xumahay in aan carruurteyda u sheego in Aabahood ay suuragal
tahay in uu dib ugu soo laaban,” ayuu yiri Mo Farah oo farriin soo dhigay
bartiisa Facebook.
Waxaa uu ku tilmaamay siyaasadda Trump mid khaldan oo naceyb abuureysa,
madaama arinta ay saameyn ku yeellan karto dad badan oo degan dalkaas, laakiin hada dibada uga maqan, laakiin waxaa uu rajeyay in mar uu isbadal iman karo.
Amarka Trump ayaa muddo 90 maalmood ah Maraykanka ka mamnuucay
muwaadhiniinta dalalka Iran, Ciraq, Liibiya, Soomaaliya, Sudan, Suuriya iyo
Yemen.
Ugu danbeyntii, xannibaadaasi ayaa sidoo kale saamayneysa dadka asal ahaan
kasoo jeeda dalalkaasi, isla markaana haysta baasaboorka dal labaad.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]