4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2017
Xarrakada Al-shabaab oo dad ku xir xirtay gobolka Gedo

 Isniin, Janaayo, 30, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya Tuullada Barwaaqo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab gallinkii danbe ee maalintii shalay xireen qaar ka mid ah dadka tuullada, iyaga oo ku eedeynaya in ay wax ka ogaayeen howlgal lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab.

Dadka ay xir xireen Al-shabaab ayeey ku eedeeyen in ay wax ka ogaayeen dilka sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Qannaas oo ciidamada dowladda ay ku dilleen Tuullo Barwaaqo.

Dadka ku dhaqan tuullada ayaa cabsi weyn ka qaba in Al-shabaab xir xiraan dadka loo xir xiro dilka horjoogaha oo siweyn looga garanayay deegaanka.

Ugu danbeyntii, Al-shabaab ayaa dhowr jeer dad ku xir xiray deegaannada ay gacanta ku hayaan iyaga oo ku eedeynaya in ay bixiyeen xog ku saabsan ururka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]