Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle oo eedeyn u jeediyay mas’uuliyiinta sare ee maamulka
Isniin, Janaayo, 30, 2017 (HOL) – Kulan magaalada Jowhar ay
ku yeesheen xubno ka tirsan xildhibaannada maamulka Hirshabeelle, ayeey ku eedeeyeen mas’uuliyiinta ugu sareysa
maamulka xil gudasho la’aan.
Maqnaanshaha madaxweynaha maamulka, ku-xigeenkiisa iyo guddoonka sare ee baarlamaanka oo dhamaantood ku sugan magaalada Muqdisho ayeey
ku tilmaameen xildhibaannada arin baalmarsan sharciga iyo dastuurka dowlad
gobolleedka Hirshabeelle oo sida ay hadalka u dhigeen dhigaya in mar kaliya mas’uuliyiinta
ka wada maqnaan karin xarunta maamulka ee magaalada Jowhar.
Laakiin waxaa arintaa beenisay guddoomiye ku-xigeenka labaad
ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise oo sheegtay in ay ku
simaha u tahay guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha intaba islamarkaana
joogto magaalada Jowhar, waxaana ay ugu
baaqday xildhibaannada maamulka Hirshabeele ee ku sugan magaalada Muqdisho in
sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo laabtaan xarunta magaalada ee Jowhar.
‘’Waxaan ku wargalinayaa xildhibaannada sharafta leh ee
maamulka Hirshabeelle ee ka maqan magaalada Jowhar in ay sida ugu dhaqsiyaha
badan ugu soo laabtaan maalinta Arbacada ah, waxaan aan la hadlayo ee aan
fariintan u dirayo waa xildhibaannada ee ma’aha madaxweynaha’’ ayeey tiri Canab
Axmed Ciise.
Ugu danbeyntii, dhinaca kale dadka ku dhaqan deegaannada
hoostaga gobolka Shabeelle dhexe ayaa ka cabanaya abaar baahsan oo saameyn weyn
ku yeelatay nolasha dadka iyo duuniyada, kaddib markii uu gabi ahaanba gurray
wabiga shabeelle oo ay ku tiirsanaayeen dadka beeraleyda iyo xoolaha dhaqatada
ah ee ku dhaqan deegaanka.