Midowga Africa oo dooranaya guddoomiye cusub
Isniin, Janaayo, 30, 2017 (HOL) – Kulan la filayo in maanta oo Isniin ah
magaalada Addis Ababa uga furmo madaxda urur midowga Africa ayaa lagu waddaa in
lagu doorto guddoomiye cusub.
Musharixiinta ilaa iyo hadda u taagan ama u tartamaya xilkan ayaa waxa ay
kala yihiin Amina Maxamed oo ah wasiirka arrimaha dibbada Kenya, Pelonomi
Venson Moitoi oo ah wasiirka arrimaha dibadda Butswana, Agapito Mba Mokuy oo ka
socda Equatorial Guinea, Abdoulaye Bathily oo ka socda dalka Senegal
iyo Moussa Faki Mahamat oo ka socda Chat.
Musharax kasta oo ka mid ah 5-ta tartame, waxaa wareegga kuwaad laga
rabaa 11 cod, iyadoo Musharaxii hela codadka ugu hooseeya wareegga koowaad uu
ka haraayo doorashada.
Tartankii ugu dambeeyay waxaa la isla gaaray wareeggii saddexaad, waxanaa ku
tartamay Jean Ping oo u dhashay Gabon iyo Dr Dlamini-Zuma oo u
dhalatay Koonfur Afrika hadana uu xilka ka dhamaaday.
Musharaxa kaliya ee ka socota Bariga Afrika waa Amina Maxamed, haddii ay ku
guuleysatana waxaa ay ka dhigan tahay in qofkii ugu horeeyay ee ka socda Bariga
Afrika uu xilka guddoomiyaha midowga Afrika qabto taariikha Ururka.
Sidoo kale waxaa jiri doona doorashooyin kale oo la xiriira xilalka Midowga
Afrika, waxaana ka mid ah xilalka loo tartamayo kursiga nabadda iyo amniga
ee Midowga Afrika iyo madaxa siyaasadda ee Midowga Afrika, kuwaasi oo ay u
tartamayaan xubno ka soo jeeda dalal kala duwan oo Midowga Afrika ka tirsan.
Ugu danbeyntii, doorashadan ayaa waxa ay ka dhici doontaa Magaalada Adis
Ababa ee dalka Itoobiya, sida ay horey u sheegeen guddiga qaban qaabada doorashada.