4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2017
Masaajid la weeraray oo dhowr qof lagu dilay Canada

Isniin, Janaayo 30, 2017 [HOL]-Masaajid ku yaala Quebec Canada ayaa la weeraray  xalay oo dhowr qof lagu dilay.

Dad hubeysanaa ayaa afar qof ku dilay masaajidka. Dhowr qof oo kale ayaa dhaawac ah sida warbaahinta loo xaqiijiyay.

Arinkaa ayaa lagu tilmaamay Islaam nacayb ama waxa afka qalaad loo yaqaano Islamophobia.

Wararka soo gaaraya bartaan HOL ayaa tibaaxaya in qaar ka tirsan dableydii weerarka soo qaaday ee dadka masaajidkaa ku laysay lasoo qabtay.

Masaajidka gaar ahaan weerarku ka dhacay ayaa wuxuu ku dhex yaalaa xarun lagu magacaabo Xarunta Dhaqanka Islaamka ee magaaladaasi Quebec ee dalka Canada.

Dadka haatan la sheegayo in la soo qabtay ayaa gaaraya 2 qof waxaana boolisku ku hayaan iminka baaritaan arinkaa la xiriira.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in tirada dableydii dilalka geysatay ay dhammaayeen 3 qof.

In dhawaaleba qeybo badan oo ka tirsan waqooyiga Mareykanka waxaa kusoo badanaysay Islaam nacaybka iyo weerarada ka dhanka ah Muslimiinta.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]