Amniga doorashada madaxweynaha oo laga wada hadlay
Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Max’ed Cumar Carte ayaa gudoomiyay shira looga hadlayay sugida amniga doorashada madaxweynaha ee la filayo in ay dhawaan dalka ka dhacdo.
Shirka waxaa ka qeyb-gallay wasiiradda
cadaallada iyo Amniga, guddiga baarlamaanka u qaabilsan doorashada madaxweynaha,
taliyaayasha ciidamadaa qalabka sida, ku-xigeenka
wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, iyo taliyaha ciidamada
AMISOM.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa Saraakiisha uga mahadceliyay sida ay uga
soo shaqeeyeen sugida amniga doorashooyiinkii labada aqal ee dalka ka dhacday, dhinaca
kalana sheegay in la sii wado wada shaqeynta joogtada ah ee dhexmarta ciidamada
Qaranka iyo AMISOM.
“Hawl muhiim u ah Soomaaliya ayaad qabateen dhamaantiin oo dalka u soo
hoysay amaan; waxa loo baahanyahay in aad sii laba laabtaan wadashaqeynta
idinka dhaxeysa si la isaga kaashado ka hortaga cadowga”.
Max’ed Cumar Carte ayaa Saraakiisha kala hadlay sugida amniga musharixiinta iyo
goobta doorashada ay ka dhaceyso.
“Waxaa idinku waajiba feejignaan dheeri ah si aad u sugtaan amniga
Musharixiinta iyo goobta doorashada lagu qabanayo taasoo aan idinku boorinayo
in aad uga soo dhalaashaan si wanaagsan”.
Ugu danbeyntii ra’iisal wasaar wasaare ku-xigeenkaayaa hadalkiisa ku soo
gebagabeeyay baaq uu u diray shacbiga Soomaaliyeed oo uu kaga codsaday in ay
ciidamada amniga la shaqeeyaan si doorashada madaxweynaha ay ugu qabsoonto si
nabad ah.