4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Diiwaangalinta musharixiinta xilka madaxweynaha oo la soo gabagabeeyay ‘’Magacyada iyo tirada’’



Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) –Waxaa goor dhaw oo maanta ah lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo soo bilaabatay 26kii bishan.

Musharixiinta is diiwaangaliysay ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha xilka sii haya Xassan Sheekh Max’uud iyo madaxweynihii ka horeeyay ee dowladdii KMG Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale, waxaa ka mid ah musharixiinta la diiwaangaliyay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke, iyo ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda KMG Max’ed C/llaahi Farmaajo.

Ilaa 24 musharax ayaa si rasmi ah loo diiwaagaliyay kuwaa oo la filayo in ay ku tartamaan 8da bisha Feberaayo doorashada xilka madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sanno ee soo socta.

Akhriso liiska musharixiinta is diiwaangaliyay :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]