4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Kurisgii ugu danbeeyay ee gobollada Waqooyi oo lagu doortay magaalada Muqdisho

 

Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) – Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay doorashada xildhibaannada beellaha gobollada Waqooyi ee gobollaha Shacabka, waxaana la doortay xubintii ugu danbeysay xildhibaannada Soomaaliland.

Doorashadan oo ka dhacday xarunta xerro gadiid ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamaylabo haween ah, iyadoo ay ku guuleystay doorashada Huda Axmed Cali heshay codad gaaraya 45 cod.

Waxaa halkaa ku soo dhamaanaya guud ahaan doorashadii xildhibaannada gobollada Waqooyi ee gollaha shacabka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la guda-gallo dib u soo doorashada shan kursi oo horay gudiga xalinta khilaafaadka dib ugu celiyeen maamul gobolleedyada kuwaa oo la sheegay in markii hore ay ku soo baxeen hab aan waafaqsaneyn sharciga doorashada.

Ka hor doorashada madaxweynaha oo la filayo in ay dhacdo todobaadka danbe ayaa qorshuhu yahay in gabi ahaanba la soo dhameystiro xubnaha ka dhiman gollaha shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]