4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Goobaha waxbarashada oo lagu amray isticmaalka shilling Soomaaliland

 Axad,Janaayo , 29, 2017 (HOL) – Wasiirka waxbarashadda Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habanne ayaa amar ku soo rogay dugsiyada waxbarashada iyo jaamacadaha in Lagu bixin doonno lacagta shilling Somaliland.

Wasiir Cabdilaahi Dheere ayaa sheegay in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay ardayda lacagta kaga qaban doonaan Somaliland Shiling cidii amarkaasi fulin waydana waxa uu sheegay inay rusqadda kala noqon doonaan.

Wasiir Cabdilaahi Dheere ayaa sheegay in amarka madaxweynuhu sidii u fulin doonaan, isla markaana adeega wasaarada waxbarashada biilka ku bixisa sida biyaha, internetka iyo Telefoonadda ay ku bixin doonaan Shiling Somaliland.

Wasiirka waxbarashadda iyo Tacliinta sare Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane oo amaawiirtaasi shaacinaya waxa uu yidhi “Astaamaha inaad dal leedahay waxa weeyi inaad xuduud leedahay, inaad lacag leedahay iyo inaad heshiishka aad gasho fulin karto, maxay u balaadhin laayihiin shilling Somaliland marka ay leeyihiin islaanta miyiga joogta ee foostadda biyaha u baahan baanu u diraynaa dee Somaliland u dir oo haddii aad labaatan dolar u dirayso boqol iyo afartan kun u dir, Kenya iyo Taansaaniya wuu ka jira Zaadku laakiin shilling Kenya iyo ka Taansaaniya ayey u isticmaalaan adeegga oo wax lagu kala iibsadaa, dollar ma maraykan baanu nahay inagu”

Wasiirku waxa uu ka hadlay Xisbiyada mucaaradka ee dhaliilay go’aanka madaxweynaha waxaanu sheegay in garta eexo ee qof kale lagu xumaayee ay qofkiii kale hor iman doonto, waxaanu yidhi “ Gar eexdo oo nin aad neceb tahay u guntaa nimay jeceshahay bay sugtaa, haday ku hor iman haddii ilaahay taladda ku dhiibo adigay ku hor iman doontaa, laakiin waxa sanna taageera waxa xuna ka hor joogso, bani’aadamku waa sidaas,”

Wasiirka oo sheegay in goobaha waxbarashadda lagu bixin doonnin wax dollar waxa uu yidhi “ Sida amarka madaxweynuhu na farayo, laga bilaabo bisha February kowdeedda waxa lacagta lagu bixin doona dugsiyadda sare ee dawladda ee lacagta ka qaadno Somaliland shilling ayey ku bixini, dugsiyada gaarka loo leeyahay Somaliland Shilig bay ku bixinayaan, waalidka doollar u dhiibaa waa dambiille, maamulaha dollar ku xidhaa waa dambiille, rusqaddaanu kaga noqonaynaa, jaamacadaha waxa lagu bixinayaa Shiling Somaliland, wasaaraddu biilasha ay bixinayso waxay ku bixinaysa shilling Somaliland, imtixaanaadka lacagta laga soo xareeyo Somaliland shiling baa lagu bixinaya, wax aan Somaliland shilling ahayn waxba lagu bixin maayo oo amarka madaxweynaha ayaanu fulinaynaa”

Ugu danbeyntii, wasaarada waxbarashadda oo maamusha goobaha waxbarasho ayaa amarkii ugu balaadhnaa ku bixisay in aan la bixin Karin dugsiyada iyo jaamacadaha wax dollar ah.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.