4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Xukuumada Soomaaliland oo mamnuucday isticmaalka Baasaboorka Soomaaliya

 

Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) - Wasiirka Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiiray Farotoon, ayaa sheegay in Somaliland laga  dhoofi karin ama lagu soo gali Karin Baasaboorka Soomaaliya ee gudaha  Somaliland lagu sameeyo.

Sidoo kale, waxa shacabka Somaliland lagu amray inay dadku sitaan kaadhadhka aqoonsiga muwaadimo, taas oo lagu kala saarayo qofka muwaadinka ah iyo ka ajanabiga ah, isla markaana qofka ajanabiga ah sifo sharciga ku joogo laga rabo.

Go’aamadan ayaa laga soo saaray shir ay maanta iskugu yimaadeen Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Duuliska, Hawada iyo gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, Wasiiru Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan Caalin, kuwaas oo shaaciyey in dalka lagaga mamnuucay Guud Ahaanba in lagu joojiyey Isticmaalka Iyo ku Safrida Baasaboorka Soomaaliya Ee Lagu Sameeyo Gudaha Somaliland.

Amarkabn ka soo baxay wasiirka Arrimaha gudaha ayaa lagu cusboonaysiiyey qaraar hore uga soo baxay wasaarada arrimaha gudaha oo mamnuucayey qaadashada iyo isticmaalka baasaboorka lagu sameeyo ama laga soo saaray goob kamida gudaha dalka Somaliland.

Go’aamada Wasiiradu isla qaateen waa sidan hoos ku qoran:

1-In gabi ahaanba la joojiyo qaadashada , istimaalka iyo ku safarka baasaboorka soomaliya ee kasoo baxay ama ku qoran tahay in lagu sameeyey goob kamida dhulweynaha jamhuuriyada Somaliland laga bilaabo January 2017.

2- Dhamaan Shirkadaha safarka iyo diyaaradaha ( Airlines and Travel Agencies) kuma jari karaan tigidh baasaboorka kor ku sheegan ee laga mamnuucay Isticmaalkiisa.

3- Dhamaan laamaha Socdaalka iyo Amniga waxa la farayaa in aan baasaboorkan dalka lagu soo gali Karin lagagana bixi Karin.

Maalmahan damba ayaa ciidamada amnigu dadka waydiinayeen kaadhadhka aqoonsiga muwaadimo, waxaana dadka lagu amrayey inay mar walba sitaan kaadhadhka, qofkiii aan lahayna uu soo samaysto, taas oo ay sheegeen in lagu kala xaqiijinayo muwaadinka iyo qofka Ajanabiga ah ee sharci darada wadanka ku jooga.

 Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.