Shan dhalinyaro ah oo labo gabdhood ku kufsatay Goldogob oo xukun lagu riday ''Sawirro''
Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) - Shan Dhalinyaro ah oo
dhamaadkii sanadkii hore labo Gabdhood ku kufsaday Degmada Galdogob
kadibna mid ka mid ah gabdhaha ka duubay Muuqaal lagu baahiyay baraha
Bulshada ayaa maanta xukun lagu riday.
Xukunkan oo ay rideen Culimada waxaa Goobjoog ka ahaa Ma’uuliyiinn ka socotay
Puntland, Ehellada wiilasha iyo Qaar ka mid ah Dadka deegaanka,waxaana xukunka
kadib Dowlada Puntland ku fulisay Dhalinyaradii Jeedalkii lagu xukumay
[Karbaash], siddoo kale waxaa xukunka qeyb ka ah xarig iyo ganaax lacageed.
Mid kamid ah dhalinyarada lagu soo eedeeyay in uu ku lug lahaa kufsigan ayaa lagu waayay wax danbi ah sida laga soo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan Puntland ,inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in uu ka baxsaday gacanta ciidanka.
1:-Shirwac Jaamaca Junle waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah,10 Sanno oo xarig
ah iyo Ganaax lacageed oo dhan "$4620 Dollar
2:-Yaasir Maahir Xaashi waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah, 8 Sanno oo xarig
iyo Ganaax lacageed oo dhan "$3520 Dollar.
3:-Ayaanle Wale Waxaa lagu xukumay 100 jedal ah, 7 Sanno oo xarig ah iyo Ganaax
Lacageed oo dhan $2560 Dollar
4 :- Yaxye Awkax,Waxaa lagu xukumay 100 jedel ah, 6 Sanno oo xarig iyo Ganaax
lacageed oo dhan $1760 Dollar.
5:-C/risaaq Xoosh Jabriil,100 jedel ah,5 sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed
oo dhan $1760 Dollar.
Sidoo
kale,taliyaha Booliska Puntland Jen. Erag ayaa HOL u sheegay in dhalinyaradii
la xukmay in ay u soo qaadeen Magaalada Garoowe si ay ugu bilaabtoi xabsiga
lagu xukumay.
Ugu Danbaytii,
dhacdooyinka kufsiga ah ayaa Bilihii danbe ahaa kuwo ku soo noq noqday
deegaannada Puntand ,iyadoo wasaarada Haweenka Puntland ay diyaarisay Xeerka
Kufsiga Gabdhaha ayna ansixiyeen Baarlmaanka Puntland ,kaasoo aanan waxba ka
badalin kiisaska kufsiga Gabdhaha ilaa iyo hadda.
Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya