Xildhibaannada Galmudug oo la kulmay xubno ka tirsan beesha calaamka
Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) – Waxaa magaalada Muqdisho ku
sugan xubno ka tirsan xildhibaannada dowlad gobolleedka Galmudug ee kalsoonida
kala noqday madaxweyne Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed, waxaan xubnaha
wafdiga xildhibaannada hogaaminaya guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee
baarlamaanka Xareed Cali Xareed.
Xildhibaanada qaarkood ayaa waxay magaalada Muqdisho kula
hadleen xubnaha beesha caalamka, waxaana labadii maalin ee lasoo dhaafay kulamo
kala duwan ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka xildhibaanada
oo uu horkacayo Xareed Cali Xareed guddoomiye ku xigeenka koowaad ee
baarlamaanka Galmudug inuu kusoo dhamaaday is afgarad.
Warar ka soo baxaya kulanka labada dhinac ayaa sheegaya in
beesha caalamka ay u soo jeedisay xildhibaanada Galmudug in ay dib u dhigaan
doorashada madaxweynaha Galmudug ee ay iclaamiyeen , maadaama ay ku aadan tahay
doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Qaar ka mid ah xildhibaannada kulanka la qaatay xubnaha
beesha caalamka ayaa warbaahinta u sheegay in dhamaan qodobadii ay ka wada hadlleen isku afgarteen labada dhinac.
Ugu danbeyntii, wali waxaa taagan xiisada siyaasadeed ee ka
dhalatay kalsooni kala noqoshada madaxweynaha Galmudug oo sanadkii hore qaar ka
mid ah xildhibaannada uga dhawaaqeen magaalada Cadaado.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]