4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Rajadii dhalinayarada degmada Xudur oo dib u soo noqoneysa

Axad, Janaayo 29, 2017 [HOL]- Degmada Xudur ee gobolka Bakool oo aheyd degmo muddo dheer go'doon ugu jirtay xoogagga Al-shabaab, islamarkaana dadka ku dhaqan ay soo food saareen xaalad adag oo dhinac nolasha, ah, ayaa hada u muuqata mid ka soo kabaneysa dhibaatada amni xumo.

Gaar ahana dhalinyarrada ayaa bilaabay in ay qabsadaan tartamo Isboorti oo mudo dheer ay ugu danbeysay in ay isku arkaan, waxaana tartanka soo qaban-qaabiyay maamulka degmada.

Tartanka oo u muqda mid dib u soo celinaya rajaadii dhalinyarada ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaya kooxaha ka dhisan degmada Xudur.

Guddoomiyaha degmada Xudur C/salaan Maxamed Kheyre ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale ciyaarahan loogu tala-galay in dhallinyarada uga madadaashaan shaqo la'aanta baahsan ee ka jirta gobolka.

Ma jiraan kooxo kale oo ka dhisan gobolka oo ka qeyb-galaya tartanka kubada cagta ah ee ka furmay degmada, madaama ay adag tahay in leysaga gudbo qeybaha kala gadisan gobolka  Bakool uu ka kooban yahay.

Ilaa iyo hadda afar kulan ayaa la ciyaaray, ilaa lix kooxood ayaa wali dhimman oo aan ciyaarin' sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Xudur C/salaam Maxamed Kheyre.

Ugu danbeyntii, Al-shabaab ayaan u ogoleyn deegaannada ay maamulaan cayaaraha sidan oo kale dhalinyarrada ugu kulmayaan, waxaana ay Xudur muddo dheer ka mid aheyd deeegaannada laga mamnuucay tartamada Isboorti ka hor inta aysan la wareegin ciidamada dowladda.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]