Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga oo tahriibayaal soo badbaadiyay
Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) - Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talaayniga ayaa waxa ay
sheegeen in ay soo badbaadiyeen ilaa 1,000 qof oo tahriibayaal ah kuwaa oo
la socday Doomo duleeloo ay biyo soo galleen waxaana Doomahaas ay ka heleen
Qof meyd ah oo ka tirsanaa tahriibayaasha.
Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in dadkaasi muhaajiriinta ah ee la
badbaadiyay ay la kala socdeen 9 Doomood oo kala duwan, kuwaasi oo Lix ka mid
ah ay ahaayeen Doomaha caaga ah, halka Saddexda kalena ay ahaayeen kuwa Al-waaxa
ka sameysan.
Waxa ay sheegeen saraakiisha dadkan in ay soo badbaadiyeen ciidamada
ilaalada xeebaha, kuwaasi oo sameeyay howlgallo badbaadin a, oo maalin socday.
Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in
dadkaasi ay ku wareejiyeen Doomaha gurmadka ah, lana geeyay xeebaha dalka
talyaaniga.
Sidoo kale ciidamada faah faahin kama aysan bixin wadamada ay u kala
dhasheen dadkaasi la soo badbaadiyay.
Inta badan dadka ka imaanaya Africa ee ka soo gudbaya badda ayaa waxa ay ka
soo baqoolaan dalkaasi Liibya, badankoodana waxa ay ka yimaadaan wadamada
Afrika iyo Bariga Dhexe.
In ka badan 180,000 oo Muhaajiriin ah ayaa sanadkii hore waxa ay gaareen
dalka Talyaaniga, taas oo aheyd tiradii ugu badneyd ee wadankaasi gaara.
Ugu danbeyntii, QM waxaa ay sheegtay in 5,000 oo Qof ay ku dhinteen Badda
Madeterienka-ka, iyagoo u gudbayay dhinaca wadanka Yurub.