4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Shir madaxeedkii 28aad ee midowga Africa oo dhacaya 30ka bishaan

Axad, Janaayo 29, 2017 [HOL]- Maalinta beri ah oo ku beegan 30ka bishaan ayaa lagu wadaa in magaalada uu Addis Ababa ee dalka Itoobiya  Itoobiya uu ka furmo shir madaxeedka midowga Afrika ee 28aad.

Shirkaa madaxeed ee 28aad ayaa la filayaa in ay ka qeybgallaan madaxweyneyaasha dalalka qaaradaan Africa, waxaana uu shirka ka dhici doonaaa xarunta ururka midowga Afrika.

Shirkaa ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madax kale oo heer caalami ah.

Hogaamiyayaasha midawga Africa ayaa qaarkood tagay maalintii shalay magaalada Addis Ababa, a waxaa ku jira madaxweyne ku-xigeenka Cuba Salvador Mesa.

Waxaa isna goor dhow la filayaa in uu Addis gaaro xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres. Asna waxaa la filayaa inuu yimaado madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas -Abu Mazen. 

Madaxweyneyaasha dalalka Africa ayaa shirkaan ku dooran doona qof guddoomiye cusub u noqda ururka midowga Afrika.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]