4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Dibadbaxyo looga soo horjeedo mamnuucida soo gallootiga oo ka socda Mareykanka

Axad, Janaayo 29, 2017 [HOL]- Waxaa wali ka sii soconaya dalka Mareykanka dibadaxyo looga soo horjeedo mamnuucida dadka soo gallootiga ah qaarkood ee tagaya dalka Mareykanka.

Maalin ka hor ayaa war ka soo baxay dawlada Mareykanka ayaa looga dalbay wasiirka arimaha dibada ee dalkaa in uu ku soo afjaro barnaamijka dib u dajinta qaxootiga ee Mareykanka muddo 120 cisho ah gudaheed.

Mudadaa ayaa wasiirka arimaha dibada iyo wasiirka arimaha gudaha ee dalkaa waxaa laga doonayaa in ay dib u eegis ku sameeyaan barnaamijkaa [USRAP].

Dib u eegida  ayaa lagu xaqiijinayaa in dadka la aqbali doono in ay soo galaan ee qaxootiga ah aysan Mareykanka khatar ku ahayn.

Dadka ka imanaya wadamo dhowr oo ka mid yihiin Soomaaliya, Iiraan, Yemen iyo Suuriya ayeey xayiraadan saameyn weyn ku yeellaneysaa.

Qaxootigii horay ugu jiray barnaamijka ayaa laga yaabaa in loo ogolaado in ay galaan Mareykanka kadib markii hannaankaa sharciga ah la mariyo.

Waxaa dib u eegida laga yaabaa in natiijada ka dhalata ay noqoto in hannaan kale lagu daro oo dheeraad ah barnaamijkaa si dadka lagu keenayo barnaamijkaa aysan u noqon kuwo khatar ku keena Mareykanka iyo danihiisa waa sida hadalka loo dhigaye.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in lagu soo daro ahmiyado lagu kala hormarsiinayo sheegashooyinka lagu doonayo dib u dajinta Mareykanka sida takoor diin ku salaysan, ayadoo la eegayo waliba in qofka arinkaa dib u dajinta lagu siinayo uu yahay qof  haysta diin dad tiro yar ay ku dhaqmaan gudaha  wadankiisa.

Hadii ay munaasab tahay waxaa wasiirka arimaha guduhu kala tashanayaa arimahaa madaxweynaha si madaxweynuhu gacan uga geysto kala hormarinta ahmiyadaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa laga soo bilaabo markii uu xilkaa qabtay ku dhaqaaqay tillaabooyin uu ku xaddidaayo dadka Muslimiinta ah ee soo galaya Mareykanka.

Chicago Illinois ayaa bannaanbaxyo arinkaa looga soo horjeedo ay ka dhaceen gaar ahaan madhaarka O'Hare shalay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa iminka oo aanu warbixintaan qoreyno ay halkaa dibad baxyadu ka socdaan.

Dhan kale, xaakim maxkamadeed oo dawlada federaalka ah ee Mareykanka u shaqeeya ayaa xalay soo saaray amar dagdag ah oo dawlada Mareykanka ka horistaagaya inay masaafuriso dad.

Dad ayaa iyana la sheegay in biliisku xiray kadib markii Donald Trump uu soo saaray mamnuuca.

Wuxuuse xaakimku sheegay in dadka socdaalka ah ee la xiray iminka lagu xad gudbay xaquuqdooda sharciga ah.

Xaakimkaa oo ah haweeney magaceeduna yahay Ann Donnelly oo ku sugan New York ayaa amarka soo saadhay kadib markii sharci yaqaano u dooda xoriyadaha madaniga ah ay dacwad geeyeen maxkamad ayagoo u doodayay todobo dal oo Muslimiin dadkoodu yihiin kuwaasoo mamnuucida socdaalka ee Donald Trump uu asiibay.

Dad kasoo jeeda dalalkaa ayaa iminka ku xiran madhaaro ku yaalo Mareykanka.

Mamnuucida socdaalka iyo soo galidda Mareykanka ah ayaa Donald Trump uu ballan qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashadii dhawaan asaga lagu soo doortay.

Iminka ayay u eg tahay inuu ka dhabeynaayo wixii uu ballan qaaday.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]