4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2017
Prof Jawaari oo la kulmay xubno ka tirsan beesha calaamka iyo musharixiin [Sawirro]


Sabti, Janaayo, 14, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda beesha caalamka iyo qaar ka mid ah mushariixinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xubnaha ay is arkeen Prof Jawaari ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka gaar ah ee QM Micheal Keating oo ay ka wada hadleen arimaha la xiriira u diyaar-garoowga doorashada madaxweynaha ee la filayo in ay dhawaan laqabto.

Xubnihii beesha calaamka iyo musharixiintii kulanka la qaatay Jawaari ayaa wada jir uga dalbaday in la dardargaliyo qeybaha dhimin doorashada, iyaga oo dhinaca kalana dalbaday in doorashada ahaato mid ku dhisan hufnaan iyo cadaalad.

Ugu danbeyntii, kulamada ugu soo horeeya baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in la magacaabo guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kuwaa oo ku dhawaaqi doona waqtiga ugu danbeeya ee doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]