4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2017
Wasiir Khaalid ‘’ Mudo 7 bilood ah shaqaalaha dowlada iyo ciidamada wax mishaar ah ma qaadan

 

Sabti, Janaayo, 14, 2017 (HOL) – Wasiiru-dowlaha wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya Khaalid Cumar Cali ayaa warbaahinta u sheegay in mudo dheer shaqaalaha dowladda iyo ciidamada wax mishaar ah qaadan isaga oo eedeyn u jeediyay mas’uuliyiinta sare ee Qaranka.

Wasiirka ayaa sheegay in shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sidan wax mishaar ah qaadan sida uu hadalka u dhigay mudo ka badan 7 bilood, isaga oo intaa ku daray in madaxda Qaranka arintan ka warqabaan.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaarada maaliyada ay ka warqabto in shaqaala iyo ciidamada qaadan wax mishaar ah. 

‘’Ma’aha wax aan iska leedahaya in mudada inta la eg wax mishaar ah qaaday shaqaalaha dowlada iyo ciidamada waxaad ka arki kartaan liiska wasaarada maaliyada ay gacanta ku heyso’’ ayuu yiri wasiirka.

Eedeyntan ayaa u muuqata mid uu wasiirka ku soo beegay xili dalka loo diyaar garoobayo doorashada madaxweynaha oo la filayo in ay dhacdo bartamaha bishan.

Ugu danbeyntii, waa markii ugu horeysay oo wasiir ka tirsan dowlad federaalka Soomaaliya soo jeediyo eedeyntan oo kale ah.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]