4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2017
Israsaaseyn khasaare sababtay oo ka dhacday suuqa xoolaha degmada Jowhar

 

Sabti, Janaayo, 14, 2017 (HOL) – Hal askari ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen israsaaseyn ku dhaxmartay suuqa xoolaha degada Jowhar ciidamo ka tirsan dowladda.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in israsaaseynta labada dhinac ka timid kadib markii mid ka mid ah askarta dowlad uu jirdil u geystay nin dhalinyarro ah darawal ka ahaa gadiidka Mooto Bajaajka oo suuqa ku sugnaa, taasoo keentay in askariga jirdilka geystay isku dhacaan askari kale oo ka xumaaday falka uu ku kacayo.

Labada askari ayaa la sheegay in markii danbe ciidamo kala taabacsanaa halkaa israsaaseyn ku dhaxmartay, waxaana markiiba suuqa ku kala cararay boqolaal ruux oo ku sugnaa.

Ugu danbeyntii, goobta ayaa markii danbe waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Jowhar oo kala dhaxgalay dhinacyadii israsaaseyntu dhaxmartay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]