4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2017
Magaalada Cadaado oo ay ka soconayaan kulamo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeeed oo iska soo horjeeda

 

Sabti, Janaayo, 14, 2017 (HOL) – Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo shirar iska soo horjeeda ayaa lagu waramayaa in ay ka soconayaan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah u ah maamul gobolleedka Galmudug.

Wariye ku sugan magaalada Cadaado oo la hadlay HOL ayaa sheegay in ay hotellada magaalada Cadaado ka soconayaan kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin xildhibaannada maamul gobolleedka Galmudug, gaar ahaan xildhibaannadii dhawaan uga dhawaaqay halkaa in ay codka kalsoonida kala noqdeen madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Hotellada qaar ayaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo ilaalo ka haya shirarka halkaa ka socda oo ah kuwo iska soo horjeeda siyaasad ahaan, madaama xildhibaannada maamulka Galmudug labo garab u kala jabeen.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan nabad-sugida maamulka Galmudug isku dayeen in ay is hortaag ku sameeyeen kulan mid ka mid ah hoteellada Cadaado ku yeellan lahaayeen xildhibaannada ka soo horjeeda madaxweynaha, taa oo buuq badan ka dhalisay magaalada.

Dhinaca kale, waxaa jira waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda deegaanka oo isku dayaya in ay xiisada siyaasadeed qaboojiyaan, islamarkaana u kala dabqaadaan madaxtooyada iyo xildhibaannada qaatay go’aanka siyaasadeed, hasse ahaatee dadaaladaa ma noqon wali kuwo miro dhala.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha maamulka Galmudug Jaamac Xassan Salaad oo wareegto ka soo baxday madaxweynaha Galmudug xilkii looga qaaday ayaa dhiniciisa arintaa ku gacan-seyray, isaga oo sheegay in uusan ogeyn madaxweyne xilka ka qaadi kara, madaama xildhibaannada codkii kalsoonida kala laabteen.

Ugu danbeyntii, magaalada Cadaado ayaa guud ahaan laga dareemayaan kacdoon siyaasadeed oo salka ku haya go’aankii todobaadkii hore ay qaateen 54 xildhibaan oo ka tirsan barlamaanka Galmudug oo sheegay in ay codkii kalsoonida kala noqdeen madaxweynaha.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]