Dilalka dhalinta ku shaqeysata Mooto Bajaajka oo ku soo badanaya Muqdisho
Sabti, Janaayo, 14,
2017 (HOL) – Waxaa waayadii waxaa sii kordhayay dilalka rag ku labisan dareyska
ciidamada dowlada Soomaaliya kula kacayaan dhalinyarada ku shaqeysata gadiidka
yar yar ee Mooto Bajaajka oo siweyn looga isticmaalo magaalada Muqdisho.
Subaxnimadii hore ee
saakay ayaa degmada Wadajir waxaa toogasho lagu dilay mid ka mid ah darawlada
ku shaqeysta gadiidka Mooto Bajaajka, kadib markii uu rasaas ku furay shaqsi ku labisnaa dareyska ciidamada
militariga dowladda Soomaaliya.
Goob joogayaal ayaa
warbaahinta u sheegay in shaqsiga dilka geystay markii hore uu ka dalbaday
marxuumka in uu horay u sii qaado hasse ahaatee uu ka biyo-diiday taasoo
keentay in uu rasaas ku furo, lamana sheegin in la qabtay askariga dilka
geystay.
Todobaadyadii ugu
danbeeyayba qeybo kala duwan oo caasimada ah waxaa sidan oo kale toogasho lagu
dilay darawalada gadiidka Mooto Bajaajka oo siweyn loo adeegsado kuna badan
magaalada, waxaana inta badan dilalka
yihiin kuwo salka ku haya lacago ciidamada ka qaadaan gadiidleyda oo leysku
maandhaafo.
Ugu danbeyntii, ma
jiro ilaa iyo hada wax war ka soo baxay dhinaca laamaha amniga oo ku saabsan
dilalkan lagula kaco dhalinta ku shaqeysata Mooto Bajaajka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]