4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2017
Mareykanka oo ka digay weeraro Al-shabaab ka geystaan dalka Kenya

 

Sabti, Janaayo, 14, 2017 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa Kenya uga digtay suura galnimada weeraro Al-shabaab qorsheynayaan in ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mareykanka.

Warka ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay jirto cabsi laga qabo weeraro Al-shabaab ka geystaan magaalooyinka dhaca xeebaha dalka Kenya.

War ka soo baxay sirdoonka Mareykanka ayaa loo gudbiyay sirdoonka dowladda Kenya, waxaana lagu wargeliyay inay jiraan xogo amaan oo la helay, kuna saabsan weeraro Al-shabaab la damacsan yihiin xeebaha dalka Kenya.

Muwaadiniinta Mareykanka ee kusugan dalka Kenya, ayaa lagu wargeliyay inay yareeyaan dhaqdhaqaaqa ay ka sameynayaan magaalooyinka dhaca dhanka xeebaha dalka Kenya.

Ugu danbeyntii, Kenya ayaa sheegtay inay heegan buuxa gelisay ciidamada dalkeeda, si looga hortago weerarada Al-shabaab damacsan yihiin inay ka geystaan gudaha dalkaasi Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]