Is baheysi baarlamaanka dhaxdiisa ah oo bilaawday xili loo diyaargaroobayo doorashada madaxweynaha
Sabti, Janaayo, 14, 2017, (HOL) - Tan wixii ka danbeeyay
doorashadii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, waxaa si xowli ah magaalada
Muqdisho uga soconaya kulamo hoosaadyo iyo shirar ay leeyihiin xildhibaannada
baarlmaanka Soomaaliya oo u diyaargaroobaya doorashada madaxweynaha oo la
filayo in ay dhacdo bartamaha bishan.
Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig oo dhawaan looga adkaaday
doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu jiro is baheysi
isbadal doon ah oo ay sameynayaan
xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay doonaya in la helo
hogaanka cusub oo badala kan hada jira.
‘’ In xildhibaannadu is badal doon yihiin waxaa laga garan
karaa sida ay u wajaheen doorashadii ugu danbeysay ee guddoomiye ku-xigeennada
baarlamanka’’ sidaa daraadeed mar haddii guddookii barlamaanka is badal ku
dhacay, sidoo kale waa in hogaanka sare ee dalka sidoo kale isbadalku saameeyaa’’
ayuu yiri C/rashiid.
Xidig ayaa sheegay in tiro ka badan 90 xildhibaan oo ka
tirsan baarlamaanka Soomaaliya u midoobeen sida uu hadalka u dhigay ka miro
dhalinta in hogaam cusub dalka loo helo.
Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shirar iyo kulamo aan
kala joogsi laheyn oo ay yeellanayaan xildhibaannada baarlamaanka,
musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo siyaasiyiin si dadban ugu lug leh
doorashada madaxweynaha, oo koox walbana marka la eego xusul duub adag uu jirta sidii ay uga miro dhalin laheyd
doonisteeda siyaasadeed mar la gaaro doorashada madaxweynaha.