4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 13, 2017
Qarax ka dhacay degmada Huriwaa iyo askari lagu dilay degmada Dharkeenleey magaalada Muqdisho

 

Jimco, Janaayo, 13, 2017 (HOL) – Inkastoo magaalada caasimada ee Muqdisho amnigeeda siweyn loo sugayo ayaa hadana dhinaca kale waxaa wali jira qaraxyada iyo dilal ay geysanayaan kooxo aan la garaneyn.

Maqribnimadii caawa ayaa qarax loo adeegsaday miino waxaa lagu weeraray gaari ay la socdeen dad shacab ah Ex-koontarool Balcad degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu waramayaa in qaraxaasi sababay dhaawaca dad rayid ah oo ka agdhawaan goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dhinac a kale kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa degmada Dherkeenley caawa ku toogtay askari ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana lagu waramayaa in kooxihii dilka geystay goobta ka baxsadeen.

Ugu danbeyntii, magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyada lala eegto goobaha dadku ku badan yihiin iyo dilalka loo geysto askarta iyo shaqaalaha dowladda, inkastoo hadana dhinaca kale ciidamada nabad-galyada ku howlan yihiin sidii amniga loo xaqiijin lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]