4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 13, 2017
Wasiir ka tirsanaa maamulka Galmudug oo xilkii laga qaaday

 

Jimco, Janaayo, 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa wareegta uu soo saaray xilkii ka qaaday wasiirkii arimaha gudaha Jamaac Xassan Salaad.

Wasiirka ayaa wareegta uu soo saaray ku sheegay in uu xilkii ka qaaday wasiirka, isaga oo ku eedeeyay sida ku qoran wareegtada uu soo saaray xil gudasho la’aan iyo in uusan ka soo qeyb-galaan fadhiyada gollaha.

Siddoo kale wareegtada ayaa xilka wasiir arimaha gudaha maamulka Galmudug loogu magacaabay Max’ed Xayir Nuur.

Xil ka qaadistan ayaa imaneysa xili dhawaan uu ku laabtay madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed magaalada Cadaado, kadib markii qaar ka mid ah xildhibaannada maamulka sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweynaha.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]