4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 13, 2017
Maamulka gobollada dhexe oo rajo ka qaba baarlamaanka cusub ee Soomaaliya

 

Jimco, Janaayo, 13, 2017, (HOL) - Maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca ayaa si diiran u soo dhaweeyay habkii ay u dhacday doorashadii maalintii shalay ee lagu soo dhameystiray guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Baashi Aadan Faarax oo madaxweyne ku-xigeen ka ah maamulka gobollada dhexe ee fadhigooda yahay Dhuusa-mareeb, ayaa sheegay in siweyn ay u soo dhaweeynayaa habkii ay u dhacday doorashadii guddoomiye ku-xigeennada baarlamaanka, isaga oo si gaar ah diirada u saaray doorashadii guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee looga adkaaday xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir.

Cali Baashi ayaa sheegay in baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya rajo badan ka qabaan bulshada, isaga oo rajeeyay in doorashada tan xigta ee madaxweynaha xildhibaannada horseedi doonaan isbadal ku dhaca sida uu yiri hogaanka sare ee dalka.

‘’Fariinteena waxey tahay in aan ugu baaqeyno guddoonka sare ee baarlamaanka in ay hoos u eegaan rabitaanka bulshada, waxaan u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan iyo in umada u horseedaan isbadal, ayuu yiri'' Cali Baashi.

Ugu danbeyntii, waa markii ugu horeysay oo maamulka Ahlu Sunna uu soo dhaweeyo doorashada dalka ka socta, waxaana xusid mudan in dhawaan maamulkan gobollada dhexe uu yeeshay baarlamankii ugu horeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]