4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 13, 2017
Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo sheegay in leyska hortaagay in ay shiraan

 

Jimco, Janaayo 13, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in wali halkaa ay ka jirto kala qeybsanaanta u dhaxeysa baarlamaanka maamulka.

Xildhibaan ka tirsan maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in is hortaag lagu sameeyay kulan ay maanta ku yeellan lahaayeen magaalada Cadaado, kadib markii sida ay hadalka u dhigeen ciidamo ka amar qaata madaxweynaha u diideen in ay ku shiraan mid ka mid ah hoteellada Cadaado oo sida ay hadalka u dhigeen ay ku lahaayeen kulan qado ah.

Xildhibaannada sheegay in ciidamada is hortaaga ku sameeyeen ayaa ka mid ahaa 54 mudane oo dhawaan Cadaado uga dhawaaqay in ay xilka ka qaadeen madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Ugu danbeyntii, magaalada Cadaado ayaa siweyn looga dareemayaa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee maamulka u dhaxeeya, waxaana arinta wada jir uga hadlay beesha caalamka iyo hogaamiyayaasha madasha wada tashiga.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]