Safiirka cusub ee Britain oo tagay magaalada caasimada ah ee Muqdisho
Jimco, Janaayo, 13,
2017 (HOL) – Safiirka cusub dowladda Britain dhawaan u magacaawday Soomaaliya David
Concar ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagay magaalada Muqdisho isaga oo ka
shaqo bilaabaya safaarada UK ay ku leedahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
David Concar ayaa badalaya danjirihii ka horeeyay ee Harriet
Matthew oo mudo kooban ahaa safiirka dowladda Britain ee Soomaaliya, laakiin
hada u wareegaya howlo kale oo oo
diblomaasiyadeed.
Imaashiyaha Muqdisho ee safiirka cusub ayaa ku soo beegantay
xili Soomaaliya ay ku jirto marxalad doorasho, isaga oo ka dhageystay
shaqaalaha safaarada warbixin la xiriirta hormarka uu sameynayo dalka oo
wajahaya doorashada madaxweynaha oo la filayo in la qabto bartamaha ama
dhamaadka bishan Janaayo.
‘’Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa xili doorasho, mudnaanta
koowaad waxaan siin doonnaa in aan hubino sii socoshada taageerada iyo wada
shaqeynta Britian la leedahayo Soomaaliya si loogu guuleysto hormarada la
sameynayo’’ ayuu yiri safiirka cusub.
Safiirka cusub ee dhawaan Britain u soo magacaawday Soomaaliya David
Concar ayaa noqonaya danjirihii saddexaad ee UK tan iyo markii dib loo furay
safaarada Britain sanadkii 2013ka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]