4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 13, 2017
Hishiis laga gaaray colaada labo beellood oo dagaal ku dhaxmaray gobolka Galguduud

 

Jimco, Janaayo, 13, 2017 (HOL) – Kulamo lagu soo afjarayay colaad ka dhex jirtay beelo wada dega deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa lagu soo gabagabeeyay deegaanka deegaanka Gadoon.

Kulamadan oo maalmihii ugu danbeeyay socday ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiiro ka tirsan maamul gobolleedka Galmudug saraakiil ciidan, waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda deegaannada lagu dagaallamay.

Dagaalka iyo colaada labada beellood ee la soo afjaray ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo in ay barakacaan qoysas badan.

Waxgaradka ayaa sheegay in colaadan ku soo beegantay xili dadku la rafaadsan yihiin abaar culus oo ku habsatay, taasoo ah sida ay odayaasha hadalka u dhigeen mid aan loo baahneyn oo dadka shacabka aysan xamili karin.

Ugu danbeyntii, deegaannada hoostaga gobolka Galguduud ayaa inta badan waxaa ku soo noq noqda dagaallada ku saleysan qabiilka, waxaana xusid mudan in maalin ka hore degmada Caabud-waaq uu ka dhacay dagaal sababay dhimashada shan ruux.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]