4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 13, 2017
Beesha caalamka oo walaac ka muujisay khilaafka ka taagan Galmudug

 

Jimco, Janaayo 13, 2017 [HOL]-Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay khilaafka ka taagan Galmudug kadib markii dhawaan baarlamaanka Galmudug uu cod kalsooni darro ah u qaaday madaxweynaha Galmudug C/Kariim Xuseen Guuleed asna uu arinkaa gaashaanka u daruuray.

QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa kulligood muranka iyo khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Galmudug C/Kariim Xuseen Guuleed iyo xubnaha baarlamaanka Galmudug walaac ka muujiyay.

Si kastaba ha ahaatee afhayeenka baarlamaanka Galmudug ayaa codkaa la qaaday ama mooshinka asna diiday kuna tilmaamay xaq darro. C/Kariim Xuseen Guuleed ayaa isna xaq darro mooshinkaa ku tilmaamay kuna soo rogay Galmudug 3 bilood oo ah xaalad dagdag ah.

Beesha caalamka gaar ahaan QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ugu baaqaya darafyada is haya in khilaafka xal waara oo dagdag ah laga gaaro.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]