4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2017
Danjire Cawaale Cali Kullane oo Warqadihiisa aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Boqorka Dalka Sweden

Khamiis, Janaayo, 12, 2017 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Sweden iyo dalalka Scandinavian-ka Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Boqorka Dalka Sweden Boqor Carl XVI Gustaf, waxayna taasi ka dhigan tahay in Soomaaliya ay markii ugu horreysay ay safaarad rasmi ah ku yeelato Dalka Sweden muddo 27 sano ah.

Danjire Cawaale ayaa waxaa habmaamuus aad u heer sarreeya looga soo galbiyay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana kaddib loo kaxeeyay Qasriga Boqortooyada Sweden, halkaasi oo uu Danjiruhu ugu dhiibay Boqorka Sweden Carl XVI Gustaf warqadihiisa aqoonsiga Danjirenimo.

Dajire Cawaale Cali Kullane ayaa intii aan loo magacaabin danjirenimada Dalalka Scandinavian-ka, gaar ahaan Sweden, wuxuu horay Soomaaliya ugu metelayay Qaramada Midoobay, wuxuuna ka mid ahaa ergada joogtada ah ee Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay. Sidoo kalena, wuxuu kasoo shaqeeyay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Shiinaha.

Danjiraha ayaa dabayadii sanadkii tegay ee 2016 soo gaaray Sweden ayaa wuxuu mar uu la hadlayay Soomaalida Sweden ku nool waxa uu sheegay in Safaaradda ay tahay mid lagu furay baahida dadka Soomaaliyeed ee ku nool Waddamada Scandinavian-ka, gaar ahaan dadka ku nool dalka Sweden, wuxuuna sheegay in ay wax weyn ka qaban doonto baahi ay dadka Soomaaliyeed u qabeen safaarad u adeegta, wuxuuse xusay in dadka  Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay safaaraddooda la shaqeeyaan.

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waddamada Scandinavian-ka, gaar ahaan dalka Sweden ayaa si weyn u soo dhaweeyay magacaabista danjiraha cusub, waxayna ka rajeeyeen in uu noqdo safiirkii  soo celiyay karaamada Ummadda Soomaaliyeed ee dalalkan ku dhaqan.

Dhanka kalena, Boqorka dalka Sweden Boqor Carl XVI Gustaf, wuxuu maanta sidoo kale warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirro ka socday dalalka Finland, Sacuudiga iyo Bulgaria .

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]