4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2017
C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo noqdey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka

Khamiis, Janaayo,  12, 2017 (HOL) – Doorashadan oo aheyd mid aad u adag ayaa ugu danbeyntii waxaa ku guuleystay guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey, halka ku-xigeenka labaad loo doortay Mahad Cabdalla Cawad oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii labaaad baarlamaankii 9 aad ee kan ka horeeyay, taasoo macnaheedu yahay in mar kale uu dib ugu guuleystay xilkii uu horay u hayay.

C/wali Sheekh Muudeey ayaa wareegii labaad ee doorashada ka adkaaday xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir,  halka Mahad C/wali Cawad uu ka adkaaday musaharixii la tartamayay ee C/qaadir Sheekh Baqdaadi.

Doorashada maanta ka dhacday xarunta gollaha shacabka oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa lagu soo dhameystiray guddoonka baarlamaanka, waxaana wixii hadda ka danbeeyana la guda-gali doonaa qaban-qaabada doorashada madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]