Wareegii hore ee doorashada guddoomiye ku-xigeennada oo la soo gabagabeeyay [Akhriso natiijada]
Khamiis, Janaayo, 12. 2017 (HOL) - Waxaa la soo gabagabeeyay wareegii koowaad
doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ah doorasho aad u adag.
Wareegga koowaad ayaa waxaa codadka ugu badan hellay xildhibaan Cabdi
Weli Sheekh Ibraahim Muudey oo helay 111 cod iyo Faarax
Cabdulqaadir oo helay 94 cod.
Musharixiinta ayaa codadka sidan u kala hellay :
Xildhibaan C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey 111-cod, Faarax Sheekh Cabdiqaadir
wuxuu helay 94-cod. Khadiijo Max'ed Diiriye ayaa soo saddaxaysa oo heshay 26 cod, waxaa soo
afareeyay Siciid Ciid oo helay 17-cod. Jaylaani Iikar wuxuu helay 4 cod halka
Khaalid Macoow uu helay 7.
Ugu danbeyntii, waxaa wareega labaad u wada gudbaya
musharixiinta kala ah C/wali Sheekh Muudeey , Faarax Sheekh C/qaadir.
Siddoo kale waxaan sugeynaa natiijada codadka gudoomiye ku-xigeenka labaad oo ay ku tartamayaan 10 musharax, mar walba waan idiin soo gudbin doonaan halka ay wax marayaan...
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]