4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2017
Baaritaanka faraha oo wali ka socda xeryaha Dhadhaab

 

Khamiis, Janaayo 12, 2017 [HOL]-Wali waxaa xeryaha Dhadhaab ka socda baaritaanka  faraha si loo xaqiijiyo Kenyan-nimada dad aad u badan oo Soomaalida Kenya ah oo waa hore xeryahaa isaga diiwaan galiyay qaxooti ahaan si raashin iyo cawimaad kale ay u helaan.

Muddo labo asbuuc ah ayaa hawshaasi sii soconaysaa. Kenyan badan oo sagaashameeyadii abaari asiibtay ayaa halkaa isaga diiwaan gashay sidii qaxooti ahaan ayagoo ka faaiideystay in Soomaalidu isku egtahay ama reer Kenya ha ahaadeen ama reer Soomaaliyee.

Qaarkood ayaa sidoo kale qaxooti sheegtay si dhoof ay u helaan dhoofkaasoo ah Yurub, Mareykan, Australia iwm.

Xaqiijinta ayaa imaanaysa ayadoo dawlada Kenya ay damacsan tahay in xeryaha Dhadhaab ay albaabada u laabto muddo lix bilood ah gudaheed.

"Hawshii markii aan isleenahay waa dhammaatay ayaan ogaanay in tirada dadka doonaya in farahooda la xaqiijiyo ay sii kordheyso. Hada oonu hadleyno kala bar unbay hawshu noo mareysaa." Waxaa sidaa yiri guddoomiyaha degmada Gaarisa James Kianda.

Haatan ayaa waxaa la shaaciyay in baaritaanka faruhu sii socon doono ilaa 21 bishaan.

Inkastoo dabaqada siyaasadu sheegto in ilaa 150,000 oo qof oo Kenyan ah ay qaxooti ahaan u diiwaan gashan yihiin, dawlada Kenya ayaa sheegta in ilaa un 15,000 oo qof oo Kenyan ah ay qaxooti ahaan u diiwaan gashan yihiin.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]