4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2017
Daraasad muujisay sida murugadu saamayn xun ugu yeelato caafimaadka wadnaha

Khamiis, Janaayo 12, 2017 [HOL]-Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa muujisay sida murugadu saamayn xun ugu yeelato caafimaadka wadnaha baniaadmiga.

Daraasada  ayaa lasoo saaray maanta taasoo muujisay xiriirka u dhexeeya murugada, walwalka ama walbahaarka iyo cudurada wadnaha asiiba.  Walwalka ayaa sidoo kale keeni kara cudurada qalalka, suuxitaanka iwm.

Qeybta  walwalka qaabilsan ee maskaxda oo loo yaqaano ' amygdala' culuumta sayniska ayaa culimada saynisku sheegeen in ay keento in xididadu dhaawacmaan hadii shaqadu ka badato taasoo deedna keenta wadna xanuun iyo cudurada kale ee lasoo xusay.

"Markii shaqada amygdala ay aad u badataba waxaa korodha halista qofku u galaayo wadno xanuun." Culimada sayniska ayaa sidaa tiri.

Qeybta walwalka qaabilsan ee maskaxda ee loo yaqaano ' amygdala' ayaa xaddida dareenka, cabsida iyo faraxa iyo weliba walwalka laakiin hadii shaqadu ka badato ayaa cuduradaasi dhalan karaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]