4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2017
Xildhibaannada oo mar kaliya u wada codeynaya gudddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad

 

Khamiis, Janaayo, 12, 2017 (HOL) - Waxaa markii ugu horeysay wax ka badal lagu sameeyay hab raaca doorashada guddoomiye ku-xigeennada baarlamaanka oo lagu soo kordhiyay farsamo cusub.

Guddoomiyaha gudiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka hor sheegay baarlamaanka in wax ka badal lagu sameeyay habkii markii hore loo soo dooran jiray guddoomiye ku-xigeennada baarlamaanka si waqtiga loo ilaaliyo.

‘’Xildhibaanka waxaa uu qaadanayaa labo warqadood oo midabo kala duwan leh, waxaa ku kala qoran magacyada xildhibaannada u tartamaya ku-xigeennada koowaad iyo labaad, xildhibaanka mar kaliya ayuu u soo wada codeynayaa musharixiinta, kadib warqad walba waxaa lagu ridayaa sanduuqii loogu talagalay oo ay ku kala qoran yihiin koowaad iyo labaad, marka ay codeynta soo dhamaato codadka saduuqa koowaad ayaa la tirinayaa oo ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad, kadibna waxaa loo gudbayaa sanduuqa labaad ayuu yiri’’ guddoomiyaha gudiga doorashada.

Farsamadan oo ah mid ku cusub xildhibaannada baarlamaanka ayaa la filayaa in doorashada maanta ay ku soo dhamaato.

Ugu danbeyntii, waxaa hadda bilaabatay oo socta codeyntii xildhibaannada oo maanta dooranaya guddoomiye ku-xigeennada labaad iyo koowaad.

Natiijada doorashada sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan idinku soo gudbin doonnaa..

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]