4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2017
Doorashada guddoomiye ku-xigeennada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la qabanayo

Khamiis, Janaayo, 12, 2017 (HOL) - Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in xarunta gollaha shacabka ay ka dhacdo doorashada guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiinta u tartamaya xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ayaa maanta hortagi doona xildhibaannada waxaana mid walba oo ka mid ah uu rajeynayaa in uu codka kasoonida ka heli doono.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo heysta fursadihii ugu danbeeyay ayaa iminka isku diyaarinaaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda.

Xildhibaannada u taagan xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad  ayaa kala ah :

·         Faarax Sheekh C/qaadir.

·         Jeylaani Nuur Iikar.

·         C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

·         Khaalid Macow C/qaadir

·         Saciid Xuseen Ciid.

·         Khadiija Maxamed Diiriye.

Ugu danbeyntii, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kala saaraan musharixiinta u taagan xilalkan ku-xigeennada koowaad iyo labaad oo mid walba isku arko in uu heysto kalsoonida baarlamaanka, hasse ahaatee saacadaha soo socda ayaa wax walba kala cadaan doonaan.

Wixii warar ah ee doorashada ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]