4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2017
Dawlada Masar oo la wareegtay hanti ay leeyihiin ururo samafal

Khamiis, Janaayo 12, 2017 [HOL]-Maxkamad kutaala dalka Masar ayaa xannibtay hanti ay leeyihiin ururo samafal.

Labo urur oo ka shaqeeya arimaha gargaarka iyo dadkii aasaasay ayaa shalay hantidoodii lala wareegay oo dawladu xayirtay. Arinkaa ayaa waxaa cambaareeyay QM.

Labadaa urur ayaa kala ah Nazra for Feminist Studies iyo Arab Penal Reform Organization.

Labada qof ee aasaasay ururadaa oo kala ah  Mozn Hassan oo ururka hore aasaastay iyo Mohamed Zarea oo aasaasay Arab Penal Reform Organization ayaa sida lasoo xusay la xannibay hantidooda ayana.

Hayadahaa ayaa lagu eedeeyay isla markaana lagu helay in ay si sharci darro ah qarash uga heleen ajaanib. 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]