4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2017
Diblomaasiyiin Imaaraadka ka tirsan oo lagu dilay dalka Afghansitan

 Arbaco, Janaayo, 11, 2017 (HOL) - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay in shan ka mid ah diblomaasiyiinteeda lagu dilay qarax bam oo Talaadadii ka dhacay magaalada Kandahar ee koonfurta dalka Afghanistan.

Qaraxaas ayaa waxa guud ahaan ku dhintay 11 qof, ayada oo 16 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo badankood ahaa saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Afghanistan.

Barasaabka Kandahar Homayun Azizi iyo safiirka Imaaraadka Carabta ee Kabul Juma Mohammed Abdullah al-Kaabi ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Ra’iisul wasaaraha Imaaraadka, ahna madaxweyne ku xigeenka iyo amiirka magaalada Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum ayaa sheegay in wax qiil ah oo diin ama anshax ah aan loo heli karin in la dilo dadka ku caawinaya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Imaraadka ayaa talaadadii sheegtay in safiirkeeda uu magaalada Kandahar u tagy howgal bani aadannimo oo looga gol lahaa in lagu caawiyo agoonta Afghanistan islamarkaana loogu fidiyo deeq waxbarasho.

Kooxda Taliban ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarka, waxayna sheegtay inaysan aasin bamka qarax dhaliyey, ayada oo taa beddelkeed ku eedeysay koox mucaarad ah oo ka dhisan Kandahar.

Ugu danbeyntii, dowladda Afghanistan ayaa sheegtay in ay Kandahar u direyso koox baarta qaraxa.

Xigasho VOA