4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2017
Madaxweyne Cosoble oo hambalyo u diray guddoomiyaha baarlmaanka Prof Jawaari

Arbaco,Janaayo 11, 2017 [HOL]- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble  ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee baarlamanka 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

“Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatey shacabka Soomaaliyeed  Waxay tani qeyb ka tahay horumarada dalka uu ku tilaabsanayo loona baahanyahay in la sii xoojiyo, Hambalyo ayaan leeyahay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Xilka culus ee laguu doortay allaha kaa dhigo kii ka soo baxa horumar gaarsiiya dalka” Ayuu Yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweyne Cosoble Oo Sii Hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin Bulshada reer Hirshabeelle horumarada laga gaaray geedi socodka siyaasadda Soomaaliya, waxayna umadda soomaaliyeed ay la qeyb sanayaan horumaradaasi ayna ku boorinayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii dalkani loo gaarsiin lahaa Xasilooni amni iyo mid siyaasadeed.

“Tani waa Guulaha taariikhiga ah ee uu dalku galayo  waxaana rajeyneynaa hadduu Alle idmo inay sidaas isu dabo socoto, dowladda soo socotana ay noqoto middii Soomaaliya ay uga baxeysay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo gaaray, horumarka jirana dhammeystiri lahayd” ayuu yiri madaxweyne Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey maamulkan cusub ee HirShabeelle inuu kaalinta kaga aaddan ka qaato hannaanka dalka looga samata bixinayo dhibaatooyinkii soo gaaray.

“Waxaan filayaa baarlamaankani inuu yahay baarlamaan aad u fiican, waxaan hubaa inuu noqon doono mid ku tallaabsada in isbedel uu Soomaliya gaarsiiyo iyo xasilooni siyaasadeed hadduu Alle idmo” ayuu Hadalkiisa Sii raaciyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mustafa Hussein
Hiiraan Online
[email protected]