4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2017
Jamaacada Banaadir oo soo dhaweysay aqoonyahan Manaar oo deeq waxbarasho siisay gabar danyar ah


Arbaco, Janaayo, 11. 2017 (HOL)- Xarunta Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay galinkii dambe ee shalay xaflad soo dhoweyn ah oo maamulka, macalimiinta iyo ardayda Jaamacaddaas ay u sameeyeen Marwo Manaar Muxyadiin Macalin oo ka tirsan aqoonyahanada Soomaaliyeed ee qurba jooga ah.

Waxaa xafladaas ka qeyb galay, masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somalia, xildhibaano, Maamulka, hormuudyada iyo ardada Jaamacadda qaarkood, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Manaar oo ka mid ah aqoonyahanada qurba joogta ah ee wax ku soo bartay dalka Britain ayaa waxay gacanta ku heysaa xarun lagu daryeelo agoonta oo ay ku jiraan ku dhowaad boqol caruur ah, waxaana xafladaas lagaga dhawaaqay in Manaar ay deeq waxbarasho (Scholarship) siineyso sanad dugsiyeedka soo socda gabar ka soo jeeda qoys danyar ah oo wax ka baran doonta kuliyada Dhaqtarnimada ee Jaamacada Banaadir.

Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey aasaaskii Jaamacadda Banaadir oo 16 jirsatay, marxaladihii ay soo martay iyo waxyaabaha ay higsaneyso.

Dr. Biday ayaa Manaar uga mahad celiyey deeqda waxbarasho ee ay siisay gabar ka mid ah ardayda jaamacadda ku soo biireysa sanadka dugsiyeedka soo socda, wuxuuna xusay iney jiri doonaan shuruudo iyo guddi ay u saari doonto jaamacadu sidii qofkii ku haboonaa loogu soo xuli lahaa ka faa’ideysiga deeqdan waxbarasho.

Waxaa iyana munaasabadaas ka hadashay Marwo Manaar Muxyadiin Macalin oo maamulka Jaamacada Banaaadir uga mahad celisay sida wanaagsan ee loo soo dhoweeyey, iyadoo dhinaca kale xustay iney sharaf u tahay fursada ay u heshay iney arday Soomaaliyeed oo danyar ah ugu yaboohdo deeq waxbarasho.

“Markaan arkay dhibaatada caafimaad ee dalka ka jirta waxaan isweydiiyey maxaad ka qaban kartaa, waxaana ku fekeray in haddii dhaqaatiir fiican la helo laga yaabo wax badan iney xaalada ka bedelaan, gabdhaha aan deeqda waxbarashao siiyeyna waxaan rajaynayaa iney ku guuleystaan hadafkooda, wadanka anigoo yar ayaan ka tagay balse dhibaatada ka jirta ma moogeyn safaro badan ayaan ku imid, waxaana si rasmi ah u soo degay sanadkii 2015kii anigoo sameeyey ganacsiyo shaqo abuur ah” ayey tiri Manaar oo u mahad celisay hooyadeed, asxaabteeda, maamulka Jaamacada Banaadir iyo intii kale ee gacanta ka siisay arintan, waxayna sheegtay iney sii wadi doonto dedaalka ay ugu jirto wax ugu qabashada dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gebagebadii munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in maamulka macalimiinta iyo ardayda jaamacada ay ku faraxsan yihiin soo dhoweynta Manaar oo uu sheegay iney tahay aqoonyahanad u taagan iney wax u qabato bulshada Soomaaliyeed kuwooda danyarta ah, waxaana taas markhaati ka ah ayuu yiri caruurta agoonta ah ee Manaar ay kafaalo qaaday noloshooda iyo waxbarashadooda, gacantana ku heyso iyo deeqda waxbarasho ee ay balan-qaadey iney ka bixineyso gabar ka soo jeeda qoys danyar ah oo ku soo biiri doonta kuliyada dhaqtarnimada sanad dugsiyeedka soo socda.

“Walaasheen Manaar, anaga ma doonan, uma gacan haatinin, markii ay qiimeysay jaamacadaha dalka ku yaalla iyada ayaa dooratay iney timaado Jaamacada Banaadir, taasina waxay guul u tahay Jaamacaddan oo horey u soo saartay arday fara badan oo baratay aqoon tayadeedu aad u sareyso” ayuu yiri Gudoomiyaha oo Manaar iyo waalidiinteed uga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan yihiin dadka danyarta ah.

Dr. Dalmar ayaa ugu ugu dambeyn Manaar ku sharfay iney shahaadooyin la guddoomiso afar ka mid ah ardayda kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Banaadir oo dhowaan magaalada Kismaayo kaga soo qeyb qaatay mashruuc indho fiiqis bilaash ah oo ay si wadajir u fuliyeen heyadda Al-Nuur Foundation iyo ururka dhaqaatiirta Adduunka (Doctors Word-wide).

Munaasabadan oo ku soo dhamaatay jawi aad u qurux badan ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyin ka tirsan xukuumada Somalia oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Maxamed Saciid C/llaahi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Somalia, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Cabdi Ciise Diirshe, Agaasimaha qaybta Statistics-ka ee wasaaraddaas Maxamed Macalin, Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, guddoomiyaha Midowga ardayda kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Banaadir C/fitaax Axmed Shire iyo xubno kale.