4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2017
C/kariin Xusseen Guulleed oo gaaray magaalada Cadaado & dibadbax looga soo horjeedo oo dhacay

 

Arbaco, Janaayo, 11. 2017 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleed Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa goor dhaw oo maanta ah ka degay magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed, Masuuliyiin ka tirsan Galmudug, saraakiil ciidan oo ka tirsan dowlad iyo AMISOM iyo dad aan sidaa u tiro badneyn.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Galmudug iyo xubnaha la socday ayaa tagay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Cadaado, waxa ayna halkaasi kulamo kula leeyahay masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug iyo waxgaradka magaalada Cadaado.

Dhinaca kale dibadax looga soo horjeeday Cabdi Kariin Xuseen laguna taageerayay xil kaqaadistii Baarlamaanka Galmudug ku sameeyeen ayaa manata ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Cadaado.

Dibadaxa waxaa soo qaban qaabiyay shcabka ku dhaqan magaalada Cadaado ,kuwaa oo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin in Xilkii laga qaaday madaxweynaha Galmudug, waxa ayna bogaadiyeen go'aankii ay gaareen baarlamaanka Galmudug.

Ugu danbeyntii, magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa xiisad siyaasad oo ka dhax aloosan Baarlamaanka maamulka Galmudug iyo hogaanka sare ee maamulkaasi, C/Kariin Guuleed ayaan iska diiday xil ka qaadistii shalay lagu sameeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]