Madaxweynaha dalka Uganda oo dalacsiiyay wiilkiisa
Arbaco, Janaayo, 11, 2017 (HOL) - Madaxweynaha
dalka Ugandha, Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa curadka ah dallacsiiyay, isaga oo dhigay la taliyaha gaarka ah ee madaxtooyada, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay
ciidamada.
Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, ayaa si xowli ah sare ugu dhex dalacay
ciidamada militariga dhexdooda dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Waxaa jiro hadallo la isla dhexmaraayo oo ah in loo diyaarinaayo in uu qabto
xilka madaxweynaha ee Uganda ka dib marka aabihiisa uu ka dego.
Dadka falanqeeya siyaasaddda waxay sheegayaan in shaqada cusub ee loo
dhiibay ee ah in uu ka shaqeeyo madaxtooyada ay sare u qaadeyso khibradiisa.
Museveni, oo 72 sano jir ah, waxa uu ka mid yahay madaxweynayaasha Africa ee
muddada dheer maamulka haya.
Waxaa uu awoodda la wareegay 1986-dii, ka dib markuu ku guuleystay shan sano
oo dagaal sokeeye ah.
Sanadkii tagay ayuu mar shanaad ku guuleystay doorashada, wuxuuna helay
boqolkiiba 60, codadkii la dhiibtay.
Ugu danbeyntii, gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, oo 42 sano jir ah, wuxuu maamulaya
ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo ilaalada aabihii tan iyo sanadkii
2008dii.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]