4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2017
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo ka digay in madaxweynaha Galmudug uu banneysto dhiigooda

 

Arbaco, Janaayo 11, 2017 [HOL]-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa ka digay in madaxweynaha Galmudug uu banneysto dhiigooda kadib xaalad dagdag ah oo uu ku dhawaaqay ayadoo shalay cod kalsoonidii lagala noqday asaga loogu dhex qaaday baarlamaanka Galmudug balse uu diiday sax ahaanshihiisa.

Waxay sheegeen in xaalada dagdagga ah uu doonayo inuu ku banneysto dhiigga qaarkood. Waxay u direen baaq beesha caalamka kaasoo ay ku codsadeen in lala socdo tillaabooyinka uu C/Kariim Xuseen Guuleed qaadayo. Waxay intaas raaciyeen inuu doonayo inuu iska horkeeno shacabka Galmudug.

Waxay sidoo kale sheegeen in aysan jirin sabab xaalad dagdag ah loogu soo rogo Galmudug gaar ahaan Cadaado oo ah meel nabdoon.

'Waxa uu hada madaxweynuhu samaynayo waa neef gawracan geedo kama waabto. Madaxda Afrika sharci ma dhowraan inta badan. Sidaa darteed markii sharcigu qabto ayagaa abuura xaaladaha dagdagga ah. Marka asagaa wuxuu abuurayaa xaalad aan jirin oo uu doonayo inuu ku banneysto dhiigga baarlamaanka'. Sidaa waxaa yiri xildhibaanadaa midkood.

'Meeshaan nabad baa ka jidhay; waa la og yahay waxa uu baarlamaanku ka shaqeynaayayna wuxuu ahaa waajibaatkii saarnaa. Wuxuu maantay ka dhigay deegaanka dhul qolo kale kusoo duushay'. Xildhibaan kale oo baarlamaanka Galmudug ka tirsan ayaa sidaa yiri.

54 xildhibaan ayaa kalsooni darrada codka ah u qaaday shalay oo ahayd maalin Salaaso ah gudaha baarlamaanka Galmudug magaalda Cadaado

Mooshinkii shalay kadib ayaa madaxweynaha Galmudug C/Kariim Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay in 3 bilood oo xaalad dagdag ah lagu soo rogay Galmudug.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]