4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2017
Wakiilada beesha caalamka oo goob joog ka ahaanaya doorashada guddoonka baarlamaanka

 

Arbaco, Janaayo, 11. 2017 (HOL) - Diyaargaroowgii ugu danbeeyay ee doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka socta xiligan magaalada Muqdisho oo siweyn amniga loo sugay.

Guddoomiyaha KMG ee guddoonka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre oo warbaahinta gudaha wareysi siinayay ayaa sheegay in doorashada maanta ay goob joog ka noqon doonaan wakiilada beesha caalamka ka jooga caasimada intooda badan, isaga oo rajo ka muujiyay in doorashada ku dhacdo jawi degan.

Siddoo kale, qaar ka mid xildhibaannada baarlamaanka oo aragtidooda doorashada ka hadlay ayaa sheegay in doorashadan maanta tahay mid xiiso gaar ah xambaarsan, islamarkaana bulshada ka rajeynayaan natiijo farxad galisa.

Ugu danbeyntii, guddoonka baarlamaanka ayaa waxaa ku tartamaya xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, Prof Max’ed Cismaan Jawaari, C/fitaax Max’ed Ibraahim Geeseey, iyo xildhibaan Idiris Aadan Dhakhtar, waxaana isha lagu wada hayaa musharaxa ugu danbeyntii ku guuleysta hogaanka baarlamaanka afarta sano ee soo socta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]