4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2017
Guddoomiyaha maxkamada sare oo booqday dhismaha xabsi cusub oo laga hergalinayo Muqdisho [Sawirro]


Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) - Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibrahim iidle Suleymaan oo ay wehliyaan Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud,Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, Gudoomiya Maxkamdda Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa Maanta booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Km7 Ex Xaruntii hore ee Taliska Ciidanka Asluubta soomaaliyeed.

Xabsigan ayaa ka kooban dhismo weyn oo leh qolol Maxaabiista lagu xiro,Goobo waxbarasho oo dadka Xabsiga lagu soo xiro lagu barayo Aqoon diini maadi iyo Farsamada gacanta ,Guryo ay ku shaqeeyaan Garsoorka,meelo loogu talo galay in Maxaabiista ay ku qaataan nasiino iyo Madadaalo oo leh Goroomo kubada noocyadeeda kala duwan lagu ciyaaro iyo baraago Dabaasha loogu talo galay,waxaana Xabsigan dhismihiisa qarashka ku baxaya bixinaya Beesha Caalamka.

Masuuliyiinta uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleyman, ayaa mid mid usoo maray qeybaha xabsiga uu ka kooban yahay,iyagoo xog wareystay Injineerada fulinaya Dhismaha Xabsiga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, oo kormeerka dib Wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in Mashruuca dhismaha Xabsigan lasoo gabagabeyn doonno Bartamaha Sanadkan bilowga ah 2017,isagoo tilmaamay in Mashruucan uu qeyb ka yahay Qorshaha Horumarineed ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu wado.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in Xabsigan Dhismhiisa gabagabada uu marayo uu yahay Magaalo dhan oo dhaqan celin ah, isagoo meesha ka saaray in Xabsiga uu noqon doonno Goob maxaabiista lagu ciqaabo.

Ugu danbeyntii, sanadkan 2017 ayaa la soo gabagabeynayaa Wajiga koowaad ee Dhismaha Xabsigan,iyadoo markaasi kadib la guda gali doonno wajiga labaad ee Mashruucan, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaana sheegay in qorshaha uu yahay in dhammaan Xabsiyadda Dalka dib loo howlgalin doonno.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]