4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2017
CANADA:Dhaqaale-yahan Somaliyeed oo lagu soo daray Liiska 75-Qofood oo Jaamacad-da Carleton ay Magacowday

/images/2017/Jan/

Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) -Jaamacadda Carleton oo kamid ah kuwa loogu ixtiraam badan-yahay gudaha Canada iyo waliba caalamka ayaa Cabdul-Qafaar Cabdulaahi ku soo dartay liiska dadka  sanadkan hormuudka u noqday bulshada iyo waliba jaamacad-da.

Cabdulqafaar oo ah dhaqaal-yahan hadda la shaqeeya Bangiga Adduunkka ayaa xubin ka ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada , waxaana uu nasiib u yeeshay in uu ku biiro 75 qofood oo Jaamacad-du ay soo magacowday.

Carleton oo u dabaal-degaysa sanad guuradii 75-aad ee dhismaheeda ayaa 75-tan qofood u aqoonsatay in ay yihiin hurmuudkii kuliyad-da arimaha bulshada ,waxaana qorshuhu uu yahay in jaamacad-du ay shan magac oo cusub ay ku soo darto bil walba liiskan ka hor inta aan la gaarin bisha lixaad ah oo ah xiliga la qabanayo munaasabad-da shahaado gudoonsiinta.

Liiskan waxaa ku jira Duqa magaalada Ottowa ,xeer-ilaaliyaha guud ee Ontorio ,madaxa qaybta dhaqaalaha ee wargayska WSJ , daadihiyaha baraamijka Power and Politics ee Tv-ga CBC iyo waliba ku xigeenka gudoomiyaha Bankiga Canada ,kuwaasi oo dhamaantood la gudoonsiin doono shahaado sharafyo.

Mr. Cabdulaahi ayaa qaxooti ahaan ku yimid Canada sanadkii 1992 ka dib markii uu shahaadada MBA-da ka soo qaatay jaamacad-da Delhi ee dalka Hindiya ,waxaana uu shaqooyin dhowr ah ka soo qabtay wadamada Singpore iyo Thailand gaar ahaan Jaamacad-da Bangkok.

“Markii aan Canada imid wax badan iguma qaadan inaan shaqo helo ,waxaan markiiba ku adkaystay in aanan ku shaqayn wax ka baxsan aqoontayda ,sidaa darteed waan ka yara nasiib badnaa qaxootigi aan isku waqtiga nimid “ ayuu yiri Abdulahi.

Waxa uu  la soo shaqeeyay shirkadda Pearson oo ah shirkadda ugu balaaran ee buugaagta daabacad in ku siman todobo sano ka hor intii aan loo dhiibin xubin sare oo ka tirsan shirkad-daas ,waxaana taasi ay u sahashay in uu safaro badan galo , isla markaana dib ugu laabto waxbarashada.

 “Inkastoo aan ku faraxanaa shaqadii aan markaa hayay ,waxaan ogaaday in shahaado aan ka qaato mid kamid ah jaamacadaha dalkan ay noqon karto faa’iido mustaqbalka fog ah “ ayuu mar kale yiri Cabdulqafaar.

Waxaa uu shahaadada masterta ee qaybta dhaqaalaha ka qaatay jaaamacada Carleton sanadkii 2000 ,waxaana dhawaantan uu ku guulaystay shaqo sare oo uu ka helay waaxda maaliyad-da ee dowladda Canada.

Cabdulaahi oo ilaa iyo sanadkii 1998-dii ku noolaa magaalada Ottowa ayaa qof lagu daydo u ahaa in badan oo kamid ah bulshada Somaliyeed ,waxaana uu muddo 12-sana ah uu kuliyad-da dhaqaalaha ka dhigayay kuleej-ka-da Algonquin, halkaasi oo Somali badan uu ugu horseeday in ay yeeshaan mustaqbal shaqo oo wanaagsan.

Ugu danbayn ,Cabdulaahi ayaa la taliye dhinaca dhaqaalaha ka soo noqday Bankiga Somalia sanadkii 2013-ka ,waxaana sabab amni darteed uu markii danbe  go’aansaday in uu shaqadaas iska-casilo isaga oo dib ugu soo laabtay Canada,iyada oo qorshayaashiisa ay ku jirto in uu ka qayb-qaato dib u dhiska haykalka dowladeed ee Somalia.

Macluumaad Dheeri ah oo ku Saabsan Cabdul-qafaar halkan ka Akhri

http://www.hiiraan.ca/news4/2017/Jan/139758/somali_canadian_economist_named_to_carleton_university_s_75_for_75.aspx 


Faysal M. Hassan
[email protected]