4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Xildhibaannada Galmudug oo kalsoonnidii kala laabtay madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed

 

Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) -Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Cadaado ayaa sheegay in xildhibaannada Galmudug kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Kulanka maanta oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Xareed Cali Xareed, waxaana cod kalsoonida kala laabtay madaxweynaha 54 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 xildhibaan.

Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in waxa ka socda Cadaado lagu tilmaami karo Fowdo iyo sharci darro, isaga oo intaa ku darray in uusan aqoonsan doonin natiijo kasta ka soo baxda fadhiga baarlamaanka.

Siddoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa horay u sheegay in 45 cisho fasax dheeraad ah la siiyay xildhibaannada, sababo la xiriira sida uu hadalka u dhigay abaaraha ka jira deegaanka oo u baahan ayuu yiri in loo gurmado.

Wixii warar ah ee ka soo kordha arintan waan idin soo gudbin doonaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]